Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa maanta si rasmi ah u billowday dhageysiga dacwadda ka dhanka ah saddex eedeysane oo loo haysto dil naxdin leh oo dhawaan ka dhacay deegaanka Maracaanyo, oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Xiindheere iyo Qaayib ee gobolka Galgaduud.
Eedeysanayaasha, oo lagu kala magacaabo Cabdi Cismaan Abdullahi, Ayuub Maxamed Abdi, Galad Axmed Xuseen ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira dilka Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddexdii gabdhood ee yaryaraa ee ay dhashay, kuwaas oo si arxan darro ah loogu dilay deegaanka Maracaanyo.
Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay eedeysanayaasha muddo 24 saacadood gudahood ah.
Dilka ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aano qabiil, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan xuduudda ay wadaagaan degmooyinka Xiindheere iyo Qaayib.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay sii waddo dhageysiga kiiskan maalmaha soo socda, iyadoo ehelada marxuumadda iyo bulshada deegaanka ay dalbanayaan in cadaaladda si buuxda loo fuliyo, isla markaana la joojiyo falalka ku saleysan aanooyinka qabaa’ilka.
Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa balan qaaday in la marsiin doono sharciga cid kasta oo ku lug yeelata falal ammaan darro iyo dilal qorsheysan oo lagu beegsado shacabka aan waxba galabsan.

