Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Duullimaadka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ee Magaalada Muqdisho la joojin doonno 25ka Bishaan sabab la xiriirta Doorashada ka dhacay Gobolka Banaadir.
Warqad kasoo baxday Maamulka Hay’addaan ayaa lagu wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Duullimaadka ka sameeya Garoonka Aadan Cadde, Shaqaalaha ka howlgalla iyo Dadka rayidka ah ee ka dhoofa kana soo dega Garoonkaan in uu maalintaas xiran yahay.
“Iyada oo la tixraacayo ogeeysiiska ku lifaaqan fariintaan, waxaa Shacabka Soomaaliyeed, Travel Agencies-ka iyo shirkaddaha diyaaraddaha la ogeeysiinayaa in Maalinta Khamiista ah oo ku beegan taariikhda 25 bisha December 2025 uu xiranyahay Garoonka Aden Adde doorashada awgeed (local Elections).” Sidaasi waxaa lagu yri Warka kasoo baxay HDRS
Magaalada Muqdisho waxa ay 25ka December 2025 oo ku beegan Khamiista ay galaysaa Bandow lagu xayiray isu socodka Gaadiidka, Diyaaradaha & Dadka marka laga reebo kuwa haysta kaararka codaynta ee codaynaya.
Guddiga Doorashooyinka ee Madaxabannaan & Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kawada hadlay adkaynta amniga, fududaynta codbixinta iyo isu socodka Dadka codkooda ka dhiibanaya Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

