Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, Mudane Wang Yi, ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ka bilaabay dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Aby Axmed.
Sida lagu baahiyay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, kulankan heerka sare ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer isaga wareystay xiriirka diblomaasiyadeed iyo sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Shiinuhu ka taageero Itoobiya.
Sidoo kale, Wasiir Wang Yi iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka, gaar ahaan mowduucyada saameynta ku leh danaha wadaagga ah ee labada dhinac.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, uu maalmaha soo socda safar rasmi ah ku iman doono dalka Soomaaliya. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Shiinaha ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay wadamada ku yaalla Geeska Afrika.
Inta uu joogo Muqdisho, Wasiir Wang Yi ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, amniga, iyo taageerada Shiinaha ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka.

