Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Jubaland, kaas oo lagu gorfeeyay qodobo kala duwan.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, jihada uu dalku u socdo, iyo doorka ay Jubaland ka qaadan karto xal u helidda arrimaha cakiran ee ka taagan dalka.
“Golaha wasiirrada waxa ay falanqeyn iyo dood qoto dheer ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha siyaasadda, jihada uu dalku u socdo, iyo doorka ay Dowladda Jubaland ka qaadan karto xal u helidda arrimaha cakiran ee ka taagan dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale kulan waxaa looga hadlay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka oo is kaashana ka fuliyeen gobolka Jubada Dhexe, kuwaas oo la sheegay in laga gaaray guulo la taaban karo.
Kulanka waxaa kale oo looga hadlay xaaladda adag ee ka dhalatay abaaraha ka jira deegaannada Jubaland, iyo dadaallada lagu yareynayo saameynta abaarta, iyadoo la soo bandhigay dadaalada ay wadaan guddiga gaarka ah ee gurmadka abaaraha.

