Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana shir-guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin horumarinta hannaanka doorashooyinka, maamulka dawladaha hoose iyo ansixinta sharciyo iyo heshiisyo heer qaran ah.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Golaha uga warbixiyey diyaar-garowga lagu wado in lagu qabto doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee dalka, gaar ahaan marxaladda diiwaan-gelinta codbixiyayaasha Gobolka Banaadir.
Guddigu waxa uu Golaha la wadaagay xogta liiska ku-meergaarka ah ee diiwaan-gelinta, iyagoo sheegay in 30-ka bisha Nofeembar 2025 magaalada Muqdisho lagu qaban doono doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan darajooyinka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo la raacayo sharciga doorashooyinka ee qeexaya habraaca kala-sarraynta degmooyinka.
Degmooyinka A-da ayaa laga dhigay Hodan, Yaaqshiid, Deyniile, Kaaraan, Dharkeenley, Wadajir, Warta-Nabadda Heliwaa iyo Howl-wadaag, halka degmooyinka B-da ay yihiin Waaberi, Shibis, Xamar-jajab, Boondheere, Xamar-weyne, Cabdicasiis, Shangaani.
Intaas waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey afar xeer oo kala ah Xeer nidaamiyaha Machadka Sare ee Daraasaadka Amniga iyo Istaraatiijiyadda, Hindise-sharciyeedka Sharciga Booliska Soomaaliyeed, Heshiiska Ilaalinta iyo Isticmaalka Wabiyada Xudduudaha Dhaaftan iyo Harooyinka Caalamiga ah, Xeer-nidaamiyaha dhismaha Shirkadaha Kalluumeysiga Qaranka.

