Masoud Pezeshkian oo xaqiijiyey taageerada Xizbullah

Madaxweynaha la doortay ee Iran Masoud Pezeshkian ayaa Isniintii shalay mar kale xaqiijiyay taageerada Jamhuuriyada Islaamiga ah ee kooxda Xizbullah ee dalka Lubnaan, wuxuuna cambaareeyay ficillada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Bayaan uu soo saaray madaxa ururka Xizbullah Xassan Nasrallah oo lagu soo daabacay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ayaa waxa uu ahaa mid ka mid ah hadalladii ugu horreeyay ee siyaasadda arrimaha dibadda ee ka soo baxay Pezeshkian tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Jimcihii.

Tehran waxa ay taageero dhaqaale iyo mid milatariba siisaa Xizbullah, taasi oo lagu abuuray hindisaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ka dib markii ay Israel ay dul-martay Beirut 1982-kii intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan.

Isagoo tixraacaya Xizbullah iyo kooxaha xulafada ah, Pezeshkian wuxuu yiri: “Taageerada wax iska caabinta waxay salka ku haysaa siyaasadaha aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

Waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in “dhaq-dhaqaaqa iska caabinta” uu joojin doono “siyaasadaha dagaal doonka iyo dambiyada” Israa’iil ee Gaza, halkaas oo Israa’iil ay sagaal bil dagaal kula jirto kooxda Xamaas.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, Xizbullah iyo Israa’iil ayaa si maalinle ah isku weydaarsanayey gantaallo isaga gudba xuduudda, taasi oo caalamka ka abuurtay cabsi ah in dagaal weyn uu qarxi karo.

Horaantii Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran “aysan ka waaban doonin taageerada qaranka Lubnaan” Israa’iilna “waa inay ka warqabto cawaaqibka fal kasta oo halis ah oo ka dhaca gobolka, gaar ahaan mid ku wajahan Lubnaan.”

Pezeshkian oo isbeddel doon ah ayaa doorashada madaxweyne ee Iran kaga adkaaday Saeed Jalili muxaafid weyn ah, horeyna u ahaa wada-xaajoodihii Nukliyeerka Iran, kadib markii uu shil diyaaradeed helicopter ah ku geeriyooday madaxweyne Ebrahim Raisi.

Codeynta ka dib, wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in natiijada doorashadu ay tahay “farriin cad oo ku saabsan baahida isbeddelka iyo mucaaradnimada” oo ka imanaysa shacabka Iran.

Sabtidii Nasrallah ayaa ugu hambalyeeyay Pezeshkian guushiisa doorashada wuxuuna adkeeyey doorka Tehraan oo ah taageeraha “xooggan’ ee kooxaha “iska caabinta” gobolka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed