Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka tacsiyeeyay geerida Raila Odinga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Dowladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyeeyay geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, isagoo tilmaamay inuu door ka qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal uu saaray Madaxweynaha oo lagu daabacay Bogga Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii wanaagsanaa ee Raila uu ku lahaa dimuqraadiyadda, nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo xusay in uu khibrad weyn u lahaa xalinta khilaafyada iyo ilaalinta wadajirka iyo iskaashiga ummadaha”

Sidoo kale, Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri ”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qaybsanayaan walaalahooda Kenya murugada geerida ku timid Ra’iisul wasaare Raila Odinga oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha saameynta togan ku lahaa xoojinta xiriirka wadashaqeyneyd, daris wanaagga iyo taariikhda faca weyn ee ka dhaxaysa labada shacab”

Railo Amora Odinga wuxuu ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya sidoo kalena soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas, wuxuu maanta ku geeriyooday Dalka Hindiya kaddib markii la sheegay in halkaas loo geeyay in laga daweeyo xannuun wadnaha ah.

Odinga oo lagu xusuusto in dhowr jeer looga adkaaday Doorashooyin ka dhacay Dalka Kenya ayaa mar la siiyay xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas kaddib markii uu buuq kala hortagay natiijada doorasho looga adkaaday balse uu sheegay in la musuqay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed