Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaaladq Qardho ayaa maanta kulan la qaaday saraakiisha ciidankii ka soo dagaalamay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Kulanka oo uu madaxweynaha kala qeybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire ayaa la sheegay in looga hadlay guulihii ay ciidamadu ka gaareen howlgalka Hillaac ee Calmiskaad, tababarada, iskudubaridka iyo diyaargarowga howlgalka Onkod ee Calmadow.
Kulankan wuxuu yimid, xilli maalmihii ugu dambeeyay ay cabashooyin cabashooyin kala duwan oo ay qabaan qaar ka mid ah ciidamadii ka soo dagaalamay buuraha Calmiskaad.


