Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, Ahmed Al-Sharaa, ayaa saxiixay nidaamka doorashada ku-meelgaarka ah ee Golaha Shacabka Suuriya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee SANA.
Xeerkan cusub ayaa dhigaya in Golaha Shacabka uu ka koobnaan doono 210 xildhibaan.
Laba-meelood saddex meel xildhibaanada waxaa lagu soo dooran doona goleyaal doorasho oo laga sameynayo gobollada dalka iyadoo lagu saleynayo kala qeybsanaanta juqraafiyeed iyo maamulka.
Hal-meelood saddex meel kalena waxaa si toos ah u magacaabi doona Madaxweynaha.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid bilow u ah geeddi-socodka siyaasadeed ee Suuriya, maadaama shacabka ay doorasho u dareerayaan.
Suuriya ayaa dhawaan ka soo baxday colaad iyo dagaal sokeeye, waxaana ay ka shaqeynayaan sidii ay ugu soo laaban lahaayeen saaxadda dunida.

