Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Maraykanka.
Hadal qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay madaxweyne Cirro ayuu ku yiri “waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha dawladda Israa’iil, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Israa’iil”.
“Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu raaciyay.
Madaxweynaha Somaliland ayaa tan iyo shalay la hadal hayay halka uu ku sugan yahay, iyadoo sawir uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga uu hadal hayn badan dhaliyay.

