Madaale oo ka hor timid Musharaxnimada Mungaab ee Duqa Muqdisho

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa si cad uga horyimid magacaabista duqa hadda jooga ee Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo Shalay lagu dhawaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Wadajirka iyo Caddaaladda (JSP) ee xilka guddoomiyaha gobolka iyo duqa caasimadda ee doorashada Golaha Degaanka.

Madaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaaqista musharaxnimada Muungaab ay ahayd mid sharci darro ah oo aan lagu samayn hannaan doorasho oo gudaha xisbiga ah, Wuxuu tilmaamay in arrintaasi ay jebinayso xeer hoosaadka iyo nidaamka doorasho ee xisbiga JSP.

“Waxaa nasiib darro ah in Xoghaye ku-xigeenka xisbiga JSP, Xuseen Sheekh Maxamuud, uu meel olole ka socda uga dhawaaqo musharaxa xisbiga ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la raacin xeerarkii doorashada gudaha xisbiga, Magacii Caddaaladda iyo Wadajirka ee aan ku faanay, meel kale ayaa la dhigay,” ayuu yiri Madaale.

Wuxuu intaas ku daray in tallaabadan ay keeni karto khilaaf ballaaran oo gudaha xisbiga ah, isla markaana ay dhaawici karto midnimada iyo kalsoonida xubnaha JSP.

Madaale ayaa ugu baaqay hoggaanka xisbiga in si degdeg ah loo qabto kulan lagu xallinayo arrintan, si looga fogaado kala qeybsanaan siyaasadeed.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee xisbiga JSP oo ku saabsan khilaafkaas soo shaac baxay, balse arrintan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa cadaadis iyo is-aamin la’aan ka dhex aloosan xubnaha xisbiga xukunka haya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed