Qoraal uu soo saarey Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayuu ku difaacay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee maalmihii la soo dhaafay hadallada gafka ah kala kulmay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Cali Ciid ayaa Trump u caddeeyay in Soomaaliya leedahay dowlad sharci ah oo la aqoonsan yahay, isla markaasna laga xushmeeyo fagaareyaasha caalamka oo haddana guddoomisa kulamada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Soomaaliya maanta waxaa ka talisa dowlad si caalami ah loo aqoonsan yahay, taas oo hadda hoggaamineysa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana maamusha hay’ado amni oo badan kuwaas oo si guul leh u soo afjaray burcad-badeednimadii mar ka jirtay baddeeda” ayuu yiri Cali Ciid.
Isagoo sii hadlaya Cali Daahir Ciid ayaa yiri “Madaxweyne Trump wuxuu noqday burcad-badeedka ugu weyn ee waayahan casriga ah, isagoo xoog ku qaadataykhayraadka Venezuela, waa inaad is casishaa ama aad wajahdaa xil-ka-qaadis”
Trump Soomaaliya ku tilmaamay dal fashilmay oo dowlad laheyn, balse wuxuu hadalkiisa sababay caro bulsho, maadama uu muujinayo naceyb iyo cunsuriyad.

