Maamulka degmada Qardho oo digniin ka soo saaray biyaha roobka.

Maamulka degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa qoraal uu soo saaray digniin ugu diray dhammaan ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Maamulka ayaa bulshada uga digey inay ku ganacsadaan goobaha biyuhu maraan iyo togga cusub ee laga sameeyey bartamaha Magaalada, si looga gaashaanto halista biyaha roobka dayrta.

“Dhammaan bulshada sharafta leh degmada Qardho waxaa lagu wargelinayaa in aysan ku ganacsankarin toga biyuhu maraan ee dhowaan la furay.

Maadaama toga dhaqaale badan iyo juhdi badan ay galeen looguna talo galay in biyaha daadku ay maraan, Waa muhiim in bulshadu ka digtoonaato in ay degaan ama usoo dhowaadaan.

Cidkasta oo ka dhego adaygta wargelintan waxaa la kulmaysaa xarig iyo ganaax, sidaas daraadeed waxaa reeban in lagu ganacsado ama baabuurta lagu baakinto”.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed