Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ay howlgallo ka wadaan deegaanno hoos yimaada degmada Jilib.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada, howlgalka oo ay wehliyeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah, ayaa si gaar uga dhacay agagaarka degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow.
Howlgalka ayaa lagu dilay xubno ka tirsan AS, iyadoo la soo bandhigay hub kala duwan iyo miinooyin ay wateen, kuwaas oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca iyo kuwa fudud sida BKM, RPG, iyo AK-47.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka AS oo ku saabsan howlgalladan iyo khasaaraha la sheegay in la gaarsiiyay.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ay ku sugan AS.

