Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa shaaca ka qaadday in shaqadeedii Badda & kalluumeysiga ay ku haysto Wasaaradda Maaliyadda ayna bixisey ‘shatiyo sharci-darro ah’ sida uu hadalka u dhigey Agaasimaha-guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, Maxamed Balaak oo intaasi ku daray in tani hor-istaagtay dhakhligii dowladda soo geleyey oo ay wajahayaan dakhli yari.
dhinaca kale Wasaaradda Dekedaha oo difaacaysa Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtey in mas’uuliyadda Dakhliga-guud ee dowladda ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda oo lagu sifeeyey ‘Sanduuqa Dowladda’ sida uu sheegey Agaasimaha-guud ee Dekedaha Puntland, Cabdimajiid Jaafaan.
Khilaafka labadan wasaaradood ee soo ifbaxay ayaa yimi ka dib markii labada wasaaradoodba dardargeliyeen shaqooyinkooda dakhli raadin tan oo keentey in iska-hor-imaadyo sababay dhimasho, dhaawac iyo jaahwareer uu ka dhacay xeebaha bari ee Puntland.
Sida ay inoo sheegeen khabiirrada-sharci; Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa si guud ka mas’uul ah Badda & kalluumeysigeeda, halka Maaliayaddu leedahay howlaha Dhakhli ee dowladda, balse isqabqabsiyada dakhliga & mashaaricda ayaa badi ka dhaca hey’adaha maamul ee Soomaalida.

