Kamala Haris oo si rasmi ah u noqotay musharaxa xisbiga Demuqaraadiga Mareykanka

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Kamala Haris ayaa si rasmi ah u noqotay musharaxa xisbigu Demuqaraadiga Mareykanka, iyada oo la tartami doonta Donal Trump.

Haddii ay ku guulleysato Madaxweynaha Mareykanka, waxaa noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee taariikhda fadhiisata Aqalka Cad.

Kamala Haris ayaa hadda ka fakireysa in ay doorato madaxweyne ku xigeen la gala tartanka doorashada.

Waxaana warbaahinta Mareykanka ay tabineysa in ay dooran doonto Tim Walz oo ah Guddoomiyaha gobolka Minnesota.

Doorashada Mareykanka ayaa dhaceysa 8 bisha Novermer ee soo soocota, iyada oo ay ku tartami doonaan Kama Haris oo ka socota Xisbiga Dimuqaraadiga iyo Donal Trump oo matalaya xisbiga Jamhuuriga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed