Joe Biden oo Khudbad macsalaameyn ah u jeediyay Xisbiga Dimuqraadiga & Taageerayaashiisa

Madaxweynaha Xilka kasii degaya ee Dalka Maraykanka Joe Biden oo ka qaybgalay Shir weynaha Xisbiga Dimuqraadiga oo xaadir ka ahaayeen Xubnaha Xisbigaas iyo taageerayaashiisa ayaa u jeediyay khudbad macsalaameyn ahayd oo si qiiro leh uga hadlay arrimo badan.

Joe Biden ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa markale in uu hoggaamiyo Doorashada Dalkaas ka dhacaysa 5ta Bisha Nofeembar 2024 balse xaalado kusoo kordhay dartood uu uga haray, waxa uu bogaadiyay sida ay taageerayaashu isugu soo baxeen markii la doortay.

Xarunta Shirka ka socda ee Khudbadda uu ka jeediyay Madaxweynaha xafiiska banneenaya ee Joe Biden oo ah Magaalada Chicago waxaa la arkayay Dad badan oo sacab u tumaya isla markaana u istaagay intii uu hadal-jeedinta uu waday.

Waxa ay Dadkaas ku dhawaaqayeen “Mahadsanid Joe Biden” waxaana intaas kaddib la arkayay isaga oo indhaha marmaraya sida qof idin iska tiraya oo kale, waxa uu gunaanadkii kula dardaarmay in ay awood iyo niyad muujiyaan doorashada dhowaan dhaceysa.

Mar uu soo hadal qaaday dibadbaxyada dalkiisa ka dhacay ee looga soo horjeeday xasuuqa Israa’iil ay ka geysaneyso Magaalada Gaza waxa uu difaacay Dadka isusoobaxa dhigaya maadaama uu sheegay in Dad badan lagu dilay Magaaladaas ay xaq u leeyihiin in ay dareenkooda muujiyaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed