Israa’iil oo weerar kale ku qaadday Khan Younis

Taangiyada ciidamada Israa’iil ayaa gunta magaalada Khan Younis ee koofurta Gaza gaaray Arbacadi shalay, isla markaana duqeeyay qeybo badan oo ku yaalla Marinka Gaza, kaddib dagaallo qaraar oo ay dhexmaray iyaga iyo dagaalyahanno ka tirsan Xamaas.

Dadka deegaanka Khan Younis ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil ay si lama filaan ah u soo galeen bartamaha magaalada Khan Younis, iyaga oo intaasi ku daray in ciidanka Isra’iil ay amreen in dadka ka baxaan bariga magaalada taas oo ku qasabtay qoysas badan in ay si dhaqso ah u cararaan, halka kuwo kale oo bandanna ay wali ku go’doonsanyihiin halkaasi.

Ilaha caafimaadka Gaza ayaa xaqiijiyay in duqeymihi shalay lagu dilay ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah. Duqeyn ka dhacday Khan Younis ayay saraakiishu sheegeen in lagu dilay 11 ruux.

Magaalada bartamaha ku taalla ee Deyral Balax, halkaas oo ugu yaraan hal milyan oo qof ay gabbaad ka dhiganayaan, ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen, in duqeyn ay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen guryo dad barakac ah ay daganaayeen lagu dilay 8 qof.

Xerada Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza, saxafi lagu magacaabo Maxammed Cabid-Rabbo iyo babadh la dhalatay ayaa ka mid ahaa dad lagu dilay duqeyn lagu bartilmaameedsaday gurigooda,

Wasaaradda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay, dilka wariye Cabd-Rabbu uu noqonayo kii 172-aad ee Gaza loogu geysanayo wariyaasha tan iyo 7-badi October ee sannadki hore.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed