Israa’iil ayaa hadda soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan xabbad-joojinta Iiraan.
Waxay dhanka kale sheegtay in heshiiska aanu ku jirin oo aysan joojin doonin weerarrada ka dhanka ah Lubnaan.
waxaana lagu yiri bayaanka “Israaiil waxay taageereysaa go’aanka Madaxweyne Trump ee ah in la hakiyo weerarrada lagu hayo Iiraan muddo laba toddobaad ah, iyadoo shuruud looga dhigayo in Iiraan ay si degdeg ah u furto marin-biyoodka Hormuz, isla markaana joojiso dhammaan weerarrada ka dhanka ah Mareykanka, Israaiil, iyo dalalka ku yaalla gobolka.
Israaiil sidoo kale waxay taageertay, dadaalka Mareykanka ee lagu hubinayo in Iiraan aysan mar dambe haysan khatar nukliyeer, gantaallo, ama argagixiso ku noqon Mareykanka, Israaiil, waddamada Khaliijka.

