Iran oo ilaa 180 gantaal ku ridday Israel

Kaddib marki ay ilaa 180 gantaal xalay ku ridday Israel, ayay Iran aroornimadi hore ee Arbacada maanta sheegtay in ay soo gaba gabeysay weerarkaasi dhinaca cirka ee ay ku qaadday Israel.

Holaca ka baxaya madaafiicda laga soo riday Iran ayaa ifiyay hawada guud ahaan Israel, iyada oo la maqlayay seeriga digniinta madaafiicda, halka dadka rayidka ah ay u kala ordayeen guryaha looga gabbado madaafiicda culus.

Israel iyo Mareykanka ayaa labaduba wacad ku maray in Iran ay ka shallay doonto duqeymihi ay xalay ku bartilmaameedsatay Iran. Ilaa iyo hadda lama soo warin khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ay gantaallaha Iran ka geysteen gudaha Israel.

Millatariga Israel ayaa sheegay in ay ka hor tageen inta badan madaafiica. Iran ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay qaar ka mid ah saldhigyada millatari ee Israel.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed