Ilhaan Cumar oo u dagaalamaysa dib u doorashada aqalka koongareeska

Codbixiyayaasha Maraykanka ayaa maanta oo Talaado ah codadkooda ka dhiibanaya doorashada horudhaca ah ee Aqalka iyo Senatka ee afar gobol.

Waxaa tartanka ku jira hal tartan oo go’aamin doona masiirka siyaasadeed ee xildhibaanka Minnesota ee Ilhaan Cumar oo muddo dheer kamid ahayd aqalka Koongareeska ee dalka Maraykanka.

Indhaha oo dhami waxa ay eegayaan tartanka dib-u-doorashada Ilhaan Cumar. Don Samuels oo hore uga tirsanaa golaha deegaanka Minneapolis ayaa Ilhan Cumar kula tartamaya degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.

Ilhan ayaa Don Samuels ku garaacday doorashadii laba sano ka hor, laakiin mar kale ayay iska hor imanayaan. Waana doorasho xisbiga dhexdiisa ah.

Samuels ayaa ku doodaya in Ilhan Omar, oo ka mid ah dadka aadka u dhaliila dawladda Israa’iil, ay aad u kala qaybisay degmada lagasoo doorto.

Ku guuleystaha doorashada horudhaca ah ayaa la filayaa inuu si fudud ugu guuleysto doorashada November 5, taasoo muhiim u ah xisbiga Dimuqraadiga oo madaxweyne u wata Kamala Harris, oo tartan la galaysa Donald Trump.

Dimuqraadiga ayaa horey u lumiyay laba xubnood oo kala ah, Jamaal Bowman, iyo Cori Bush, taasoo dib u dhac ku keentay xisbiga.  Bush, Bowman iyo Ilhan Omar ayaa ah 3 qof oo katirsanaa  Congareeska oo aad  u dhaliila xukuumadda Israa’iil.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed