Ilhaan Cumar oo Markii 4aad oo xiriir ah guuleysatay

Ilhaan Cabdullaahi Cumar ayaa markii afaraad oo xiriir ah ku guuleysatay kursiga ay ku fadhiso ee Kongareeska Maraykanka, waxa ay Xisbiga Dimuqraadiga ku metashaa Degmada Shanaad ee Gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa markii labaad oo xiriir ah waxa ay ka guuleysatay Musharraxii la tartamay ee lagu magacaabo Don Samuels, waxa ay sidaas ku xaqiijisay in ay metalaad ama wakiil buuxa ka tahay Degmada Shanaad ee Minnesota.

Dhowr dabin ayaa loo dhigay si looga reebo Doorashada maadaama Haweeneydaan asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya ay tahay af-tahanad laf dhuun gashay ku noqotay Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump.

Is reeb reebka Kursiga Degmada Shanaad ayaa doorashadiisa la qabtay, xubnaha hela codadka ugu badan ee la tiriyay ayaa ku metala siyaasadda kuwaas oo si joogta ah loo dabagalo si loo xaqiijiyo waxa ka dhaqangalay ballantooda.

Ilhaan Cumar waa Haweeney 41 jir ah, waxa ay dhowr jeer sheegtay in ay isku day caqabad kala kulantay Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka Donald Trump, waxa ay intaas ku dartay in ay ka xeeladeysatay dabinnada dhankaas uga yimid.

Maraykanka ayaa Bisha Nofeembar waxaa ka dhaceysa Doorasho, waxaana kursiga Madaxweynaha ku loolamaya Xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga iyo kan Jamhuuriga, labo Siyaasad oo kala fog ayay kala wataan labadaan Xisbi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed