Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay in hogaamiyahooda Xasan Nasrallah lagu dilay duqeyn Israaโiil ay habeenkii Jimacaha ka fulisay dalka Lubnaan.
Ciidamada ayaa sheegay in ay โbartilmaameedsadeenโ xarumaha ururka Xisbullah, ee ku yaalla โmeel dhulka hoostiisa oo laga hoos dhisay dhismo deegaan ah oo ku yaalla aagga Dahieh ee magaalada Beirut.
โSayid Xasan Nasrallah, Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah, wuxuu ku biiray saaxiibadiisa weynaa ee shahiiday, ee uu hoggaaminayay muddo ku dhow 30 sano,โ ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen kooxda ay taageerto Iran.
โWaxaan rajeyneynaa in tani ay wax ka beddesho ficillada Xisbullah,โ Gaashaanle Dhexe Nadav Shoshani ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib markii IDF ay sheegtay inay dishay Nasrallah.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Xisbullah ay wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Israaโiil iyo taageerada ay siiso Falastiin.
Dowladda Israaโiil ayaa dhanka kale sheegtay in ay heegan sare ku jirto kadib dilka Nasrallah.