Hindiya oo gargaar isugu jira Dawo & Cunto u dirtay Falastiin

Dowladda Hindiya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay gargaar isugu jira Dawo iyo Cunto ay u dirtay Falastiin isla markaana ku wareejisay Hay’adda sida gaarka ah ugu qaabilsan Qaxootiga ee loosoo gaabiyo UNRWA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday in kaalmadaan ay u dirtay Shacabka Falastiin ee sanadka iyo maalmaha dagaallada iyo duqeymaha ku beegsanayaan Israa’iil.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Hindiya Randhir Jaiswal oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in kaalmadaan oo gaareysa 30 Tan oo u badan Daawo, Cunto iyo agab kale oo lagu badbaadiyo Shacabka Falastiin.

“Kaalmadaan oo ah mid kasoo go’day Shacabka iyo Dowladda Hindiya waxa ay u badan tahay qalabka qalliimada lagu sameeyo iyo cunto si gaar ah Buskutka qofka cuna tamarta siiya” Ayuu yiri Randhir Jaiswal, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya

Hay’adda Falastiin u qaabilsan Qaxootiga ee UNRWA ayaa heshay ballanqaad badan oo gargaar bani aadamnimo balse arrinta adag ee u baahan in laga gudbo waa in ay hesho marin ay ka gudbiso si ay u gaarsiiso Dadka u baahan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed