Magaalad Garowe waxaa xalay dhacay kulan ay yeesheen baarlamaanka Puntland iyo qaar ka mid ah xildhibaannada iyo senatarada federaalka ku metela Puntland.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la isku khilaafsan yahay ee wax ka baddelka dastuurka & doorashooyinka, iyo sidii ay labada dhinac ee sharci-dejinta mowqifkooda u mideyn laayeen.
Qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada Puntland ayaa lagu yiri “Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaana kulanka uu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqaynta, wadatashiga iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta, si loo mideeyo mowqifyada la xiriira arrimaha muhiimka u ah Puntland iyo guud ahaan dalka.
Xildhibaanada labada aqal ee federaalka ku metela Puntland ayaa Garowe ka wada kulamo wadatashi ah oo ay la yeenayaan goleyaasha Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan wax kabaddelkii lagu sameeyey dastuurka iyo doorashooyinka.
Magaalada Garowe waxaa lagu in bartamaha bisha Abriil uu ka dhaco shir-weyne ay yeelanayaan Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo xilligan cakiran.

