Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa xalay ku dhawaaqay natiijada kuraasta lagu tartamay ee Degmooyinka Gobolka Banaadir sida ay u kala heleen 20 Urur siyaasadeed oo musharrixiinta wadatay.
Xisbiyada ugu badan ee Kuraasta Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir helay waxa ay kala yihiin Xisbiga Caddaaladda & wadajirka JSP, Xisbiga Towfiiq, Xisbiga Sincad, Karaama & Xisbiga Ramaas.
Kuraasta ugu badan helay Xisbiga Caddaaladda & Wadajirka ee loosoo gaabiyo JSP oo 177 Mudane ku yeeshay Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ay tani u dhigan tahay celcelis boqolley marka la saaro 45%.
Waxaa ku xiga Xisbiga Towfiiq oo helay 49 Xildhibaan oo Degmooyinka Gobolka Banaadir ah, celceliska codadka uu helay Ururkaan 12.6% sida uu natiijadiisa ku sheegay Guddiga madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Xisbiga Ramaas ayaa kaalinta saddexaad ku jira waxaana uu helay 42 Kursi, 4aad waa Karaama oo hantay 39 Kursi halka urur siyaasadeedka 5aad uu noqday Sincad oo helay 26 Kursi oo Degmooyinka Gobolka Banaadir ah.
Halkaan hoose ka aqriso tirada Dadka u codeeyay Xisbiyada & faahfaahinta dheeraadka ah


