Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka, Cabdikariim Axmed, ayaa shaaciyay tirada guud ee muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta doorashada Khamiista ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in inkastoo ku dhawaad hal milyan oo qof ay isku diiwaan geliyeen ka qaybgalka doorashada, haddana 503,916 muwaadin oo keliya ay qaateen kaararka codeynta, kuwaas oo noqday dadka rasmiga ah ee xaqa u leh in ay codeeyaan.
Cabdikariim Axmed ayaa xusay in muwaadiniinta qaatay kaararka codeynta oo keliya ay ka qayb qaadan karaan doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa gobolka Banaadir, isaga oo adkeeyay in aan la oggolaan doonin in ay codeeyaan dad aan haysan kaarka rasmiga ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Muqdisho in ay si nabad ah, xilkasnimo leh, kana fogaadaan qalalaase u gutaan waajibaadkooda doorasho, si ay doorashadu ugu dhacdo jawi deggen oo hufan.
Ugu dambeyn, Cabdikariim Axmed ayaa sheegay in guddigu dhammeystiray dhammaan diyaar garowgii farsamo iyo amni ee lagu xaqiijin lahaa in doorashada berri ka dhaceysa gobolka Banaadir ay u qabsoonto si cadaalad ah oo hufan.

