Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada iyo Cilmi baarista.
Hehsiisyadaan isfgarad oo ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirrada ayaa waxaa soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo kala saxiixatay heshiisyadaan dalalka Uganda, Qatar iyo Aljeeriya.
Kulanka maanta ee Golaha Wasiiradda Soomaaliya waxaa shir guddoomiyey Raysal Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, waxaana sidoo kale kulanka warbixino la xariira amniga guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab looga dhageystay Wasaaradaha amniga gudaha iyo Gaashaandhigga.
Ugu dambeyntii Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay guulihii ugu dambeeyay ee ciidamadu ka soo hooyeen dagaalka lagula jiro maleeshiyaadkaAl-shabaab, kasoo qeyb ka ah qorshaha lagu xaqiijinayo amniga iyo xureynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

