Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga.
Kulanka ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, waxaana warbixino ku saabsan amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Sidoo kale, Golaha ayaa Ciidanka Amniga faray in ay ka shaqeeyaan amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada ee gobolka Banaadir.
Dhinaca kale, Golaha ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacabka, iyada oo Xukuumaddu ay amartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas.
Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

