Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Gobol ka tirsan Mareykanka oo soo saaray sharci adag oo ka dhan ah dadka darbiga ka booda

Gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa soo saaray sharci adag oo ka dhan ah ka gudubka xuduudaha. Waxaa lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo lagu muteysan karo xabsi, waana mid ka mid ah sharciyada socdaalka ee ugu adag ee uu meel mariyo gobol ka tirsan Mareykanka waqtiyadan casriga ah.

Barsaabka gobolka Greg Abbott, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah, ayaa sheegay inay โ€œjoojin doonaan mowjadaha qulqulka muhaajiriinta ee sida sharci darrada ah ku soo galaya Texasโ€.

Dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha socdaalka ayaa sheegay in sharciga uu horseedi doono isir nacayb.

Tallaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan socdaalka sharci darrada ah iyo walaaca shacabka ee ku aaddan sida uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u maareeyay xadka.

Goโ€™aankan uu gaaray gobolka Texas ayaa ah mid muran badan dhaliyay, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa horay u xukumay in dowladda federaalka oo kaliya ay dhaqan gelin karto sharciyada socdaalka.

19 Disembar 2023
Falastiiniyiin ku goโ€™doonsan kaniisadda ku taal Qasa oo laga baqayo in la toogto
18 Disembar 2023
Waa kuma Sheekha caanka ah ee ammaanta usoo jeediyay haweenka Soomaalida?
18 Disembar 2023
Dadka u ololeeya arrimaha muhaajiriinta ayaa sheegay in sharcigan uu horseedi doono isir takoor.

Tallaabadan Texas ayaa ah mid aad loogu kala qeybsan yahay, qeyb ahaan, sababtoo ah maxkamadaha Mareykanka ayaa hore u xukmiyay in keliya dowladda federaalka ay xoojin karto shuruucda socdaalka.

In xadka looga soo gudbo si sharci-darro ah ayaa hore u ahayd dembi federaal ah, balse haatan hannaanka maxkamadda ee socdaalka ayaa ula macaamisha kiisas rayid oo kale.

SB4, oo dhaqangeli doona March, ayaa waxaa bishii November meel mariyay aqalka Texas ee ay u badan yihiin Jamhuuriga.

Sharciga ayaa saraakiisha booliiska gudaha iyo gobolka u oggolaanaya inay joojiyaan ayna xiraan qof walba oo looga shakiyo inuu xadka si sharci-darro ah uga soo gudbay, marka laga reebo gudaha iskuullada iyo isbitaallada.

Ciqaabta ay mari doonaan dadkan ayaa waxay noqon kartaa xabsi amaba ganaax gaaraya $2,000 (ยฃ1,580).

Xaakim ayaa sidoo kale amri kara in dadka lasoo xiray dib loogu celiyo xadka Mexico, inkastoo aysan caddeyn sida maamulka Texas ay u dhaqangelin doonaan arrintaas.

Ganaaxa in qofku mar kale si sharcidraro ah usoo galo ayaa noqon kara 20 sano oo xabsi ah, waxayna ku xiran tahay taariikhda socdaalka iyo dembiga ee qofka.

Bishii November, maamulka gobolka ayaa sheegay in sharciga uu Texas ka dhigi doono meel ammaan ah iyo inuu yahay sharcigii ammaan ee ugu xoogganaa ee ay abid meel mariso Texas.

SB4, si kastaba, ayaa laga yaabaa in loollan sharciyeed uu kala kulmo dadka u dooda socdaalka.

Sharcigan ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay xildhibaannada Dimuqraaddiga ah iyo dowladda Mexico.

Bishii October, Sarah Mehta, oo ah la taliye sare oo dhanka siyaasadda kana tirsan American Civil Liberties Union, ayaa sheegtay in โ€œshuruucda sidan oo kale ay ka dhalan karto isir-takoor, xirid iyo in xarumo lagu hayo muwaadiniinta Mareykanka iyo muhaajiriintabaโ€.

Afhayeenka Aqalka Cad Angelo Fernรกndez Hernรกndez ayaa sheegtay in โ€œmarka guud ahaan loo hadlo, dowladda federaalka โ€“ ma aha gobollada โ€“ ay ku shaqo leedahay goโ€™aan ka gaaridda sida iyo goorta dadka aan muwaadiniinta ahayn looga saarayo dalkaas sababo la xiriira inay carqaladeeyeen shuruucda socdaalkaโ€.

BBC ayaa la xiriirtay waaxda caddaaladda โ€“ oo masโ€™uul ka noqon doonta inay tallaabo sharci oo heer federaal ah ka qaaddo Texas.

Arrimaha xadka iyo socdaalka ayaa madax-xanuun siyaasadeed ku noqday Madaxweyne Biden.

Sanadkii 2022, guud ahaan 2.4 milyan oo muhaajiriin ah ayaa lagu diwaangeliyay xadka, waana tiro aad u sarreysa.

Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa doonayay in gargaarka militari ee Mareykanka ee Ukraine loo adeegsado dejinta siyaasadaha looga hortagayo socdaalka sharci-darrada ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed