Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc xaafad cusub oo laga hirgeliyay caasimadda Garoowe.
Xaafadan oo ah mid casri ah, kuna taalla galbeedka magaalada ayaa loogu magacdaray Nugaal Hills, waxaana dhisaysa shirkadda isgaarsiinta Golis.
Munaasabadda xariga looga jaray masharuucan waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan goleyaasha dowlada, ganacsato, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo marti sharaf kale.

