Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Falastiiniyiin ku go’doonsan kaniisadda ku taal Qasa oo laga baqayo in la toogto

Dadka rayidka ah ee ku go’doonsan kaniisad ku taal magaalada Qasa ayaa ku nool dareen cabsi ah sida uu sheegay qof qaraabo la ah dadka halkaasi ku godoonsan.

Fifi Saba, oo walaasheed ay ku xayiran tahay gudaha Kaniisadda ayaa sheegtay in dadku ay ka cabsanayaan in ay bannaanka u soo baxaan,sababa la xariir in la toogto.

Labo dumar ah ayaa lagu dilay banaanka kaniisada kadib markii ay toogteen kuwa wax shiisha maalintii sabtidii, sida uu sheegay Baadariga kanisada Quddus.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan dhacdada.

Saba, oo ka soo jeedda Qasa, balse ku nool Mareykanka, ayaa u sheegtay BBC-da in ay ka welwelsan tahay walaasheed, iyo laba carruur ah oo ay dhashay oo kala ah 9 iyo 12 jir ah, kuwaas oo dhammaan halkaas ku xayiran.

Waxay sheegtay inay warkooda ka helayso xubin qoyska ka tirsan oo awoodda in maalintii uu hal mar la hadlo.

“Runtii waa ay go’doonsan yihiin, ma arki karaan bannaanka, adduunka war kama hayaan mana heli karaan telefoon, ama internetka,” ayay tir Saba oo BBC-da la hadashay.

Walaasheed ayay sheegtay in marka ay la hadasho dadka ay waydiiso wararka ku saabsan dagaalka iyo waxa ka dhacay adduunka ayada oo maqali karta bambooyinka dusheeda ka dhacay oo kali ah.

“Waxaan ogaaday in walaashay horteeda lagu dilay labo haween ah oo isku dayay in ay ka baxaan kaniisadda”.

Cuntada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ayay sheegtay inay gabaabis yihiin oo aan la heli karin maaddaama ay go’doonsan yihiin.

Sabtidii, mid ka mid ah baadariyada kaniisadda ayaa sheegay in laba dumar ah oo Masiixiyiin ah oo lagu kala magacaabi jiray Nahida iyo gabadheeda Samar la toogtay iyaga oo u socda dhismo ku dhaw kaniisadda.

Taangiyada Israa’iil ayaa sidoo kale lagu eedayay ay rasaas ku fureen qayb ka mid ah dhismaha kaniisadda oo ay ku jireen 54 qof oo naafo ah.

Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF), oo ka jawaabaya warqadda kaniisaddaa ay u dirtay ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin la xariir waxyeellada goobaha xasaasiga ah iyo dadka rayidka ah .

BBC-da waxay la xiriirtay ciidanka difaaca Israa’iil si ay wax uga waydiiso eedeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan toogashada aan loo meel dayin ee dadka shacabka ah.

Inkasta oo aysan caddeyna sababta loo beegsaday kaniisadda, balse Saba ayaa sheegtay in ciidanka Israa’iil ay rumaysnayn yihiin in dagaalyahannada Xamaas ay gudaha ku jiraan, wallow Saba walaasheed aysan Xamaas gudaha ku jirta.

“Waxaan aragnay 72-kii maalmood ee la soo dhaafay sida isbitaallada, iskuullada, maktabadaha iyo suuqyada loo beegsanayo” ayay tiri.

Layla Moran, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka UK, ayaa sidoo kale BBC-da u sheegtay in xubno ka tirsan qoyskeeda, oo Falastiiniyiin ah, ay ku xayiran yihiin kaniisadda, kuwaas oo magangalyo u raadsaday ka dib markii gurigooda la duqeeyay todobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka.

“Hadda ma hubo inay sii noolaan doonaan ilaa Christmas-ka,” ayay tiri, iyadoo raacisay inaysan hadda helin cunto iyo biyo.

Xubnaha qoyska Layla Moran,ayaa sheegay in askartu ay gudaha u galeen dhismaha kaniisadda 24-kii saac ee la soo dhaafay ayna la wareegeen qol ka mid ah dhismaha

Qoyska ayaa sidoo kale BBC-da u soo diray sawir ay muujinaya laba mayd oo yaal bannaanka ka ah dhismaha kaniisadda.

Moran ayaa sheegtay in aysan jirin wax sharraxaad ah oo ku saabsan sababta ay askarta Israa’iil u bartilmaameedsan karaan kaniisadda,oo dad shacab ah ay ka dhigteen hoy.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay marinka Qasa ka waddo howlgalo militari oo ay ku ciribtirayso Xamaas ayna ku soo badbaadinayso la haystayaal ay kooxdu ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Milateriga Israa’iil ayaa marar badan ayay sheegay in aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah.

Wasaaradda caafimaadka Xamaas ee maamusho marinka Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 18,700 oo qof ay ku dhinteen halkaas, 50,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed