Eretareeya oo ka baxday Urur Goboleedka IGAD

Dalka Eretareeya ayaa isaga baxay xubinnimada urur goboleedka IGAD, Xukuumadda Asmara ayaa ururkaan ku eedeysay in uu yahay mid istaraatiiji la’aan ah isla markaana aanay waxba ka qaban arrimaha siyaasadda iyo amniga dalalka xubnaha ka ah ururka.

Eretareeya ayaa qoraal ay u dirtay IGAD waxa ay ku sheegtay in ay dib uga laabatay xubinnimada ururkaas markii ay ka dhex waysay waxyaabihii loo aasaasay ee xeerarka ururkaan uu ku dhisan yahay ah sida ay hadalka u dhigtay.

Warqad jawaab ah oo kasoo baxday Urur Goboleedka IGAD ayaa Xukuumadda Asmara loogu baaqay in ay dib ugu soo laabato, waxaana lagu wargeliyay in aysan qaadin hannaan u horseedaya in ay dibadbad joog ka noqoto Ururkaan.

Eretareeya ayaa horay sidaan oo kale uga baxday urur goboleedka IGAD, Bishii June sanadkii 2023 ayay dib ugu soo laabatay Ururka, 12kii Bishaan December 2025 ayay si rasmi ah u sheegtay in ay ka baxday xubinnimada IGAD.

IGAD waxaa hadda kusoo haray Dalalka kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, Koofurta Suudaan & Uganda, Xukuumadda Asmara ayaa u muuqata in ay dib ugu laabanayso howlihii gees u socodka ahaa kahor 2018kii.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed