Erdogan oo Sacuudiga kala hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Yemen

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Axaddii sheegay in Türkiye ay “si dhow” ula socoto horumarada ka socda Yemen iyo Soomaaliya, kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga.

Waxaa uu Erdogan dhanka kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay xasiloonida ilaalinta midnimada dhuleed ee labada dal.

Sida laga soo xigtay Agaasimaha Isgaarsiinta ee Turkiga, intii wada hadalku socday, Erdogan iyo Maxamed bin Salman, waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.

Erdogan wuxuu sheegay in Türkiye ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dadaallada la isugu keenayo dhinacyada is haya ee Yemen.

Wuxuu sidoo kale sheegay, in Ankara ay hiigsaneyso inay xoojiso iskaashiga u dhexeeya Türkiga iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo la qaadayo tallaabooyin dheeraad ah maalmaha soo socda.

Isagoo ka digaya in xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ay sii xumaaneyso marka la gaaro xilliga qaboobaha, Erdogan wuxuu intaas ku daray in Türkiga uu sii wadi doono ka shaqeynta xabad joojin waarta iyo dib u dhiska goobaha dagaalku saameeyay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed