Dowladda  Suudaan ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib ugu soo laabatay caasimadda dalka ee Khartuum, ka dib muddo ay xukuumaddu si kumeel-gaar ah ugu shaqeynaysay magaalada Port Sudan.
Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kamal Idris oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Khartuum, ayaa xaqiijiyay in xukuumaddiisu ay si buuxda ugu soo guurtay caasimadda, si loo dardar galiyo u adeegida bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dib loo billaabay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ka degi jiray Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum.
Tillaabadan ayaa ka dhigan in xayiraaddii saarnayd hawada caasimadda laga qaaday, iyadoo diyaaradihii ugu horreeyay ee caalami ah ay shalay ilaa maanta ka soo degeen garoonka.
Magaalada Khartuum ayaa waxaa ka muuqda soo kabasho, iyadoo kumanaan ruux ay dib ugu soo laabteen, kuwaasi oo hore uga qaxay dagaalka Militeriga Suudaan iyo kooxaha RSF oo billaawday bishii April ee 2023.

