Dowladda Mali oo xiriirka u jartay Ukraine,

Dowladda Mali ayaa ku dhawaaqday inay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dhiggeeda Ukraine, kadib markii saraakiil u dhalatay Ukraine ay qirteen doorkii ay ku lahaayeen weerar bishii July lagu dilay tobanaan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka tirsan kooxda Wagner ee Ruushka iyo askarta Mali.
Fallaagada waqooyiga Tuareg ee ayaa sheegtay in ay dileen ugu yaraan 84 calooshood u shaqeystayaal ah iyo 47 katirsan askarta Mali kadib dagaal saddex maalmood ka socdey dalka ku yaalla galbeedka Afrika, taasoo u muuqatay guuldaradii ugu cusleyd ee Wagner soo gaarta tan iyo markii ay kooxdu bilowday gacansiinta xukuumadda Mali.
29-kii Luulyo, Andriy Yusov, oo ah afhayeenka wakaaladda sirdoonka milatariga ee Ukraine (GUR), ayaa u sheegay warbaahinta dadweynaha Suspilne in fallaagada Mali ay heleen dhammaan macluumaadka ay u baahnaayeen, taasoo u ogolaatay inay fuliyaan howlgalkooda ka dhanka ah Milatariga Mali iyo kooxda Wagner-ka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed