Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka oo khamiis ah u dareeray goobaha codbixinta ee loo qorsheeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Doorashadan oo mucaaradka ku tilmaamay mid hal dhinac ah waxaa ka qaybgalaya 20 urur siyaasadeed oo ugu weyn yahay kan madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo ee JSP.
Dad nus milyan ruux gaaraya ayaa isu diiwaangaliyey doorashadan, kuwaas oo maanta codkooda ka dhiibanaya xarumaha codbixinta oo gaaraya 523 goobood.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana xiran isugu socodka gaadiidka, duulimaadyada iyo waxbarashada.

