Donald Trump oo si bareer ah u weeraray siyaasadda Yurub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo muddooyinkii dambe caadaystay aflagaadaynta Mas’uuliyiinta iyo Dalalka kala duwan ee Caalamka ayaa maanta usha la dul istaagay Hoggaamiyaha Yurub isaga oo ku dhaliilayay in ay fashilmeen.

Donald Trump ayaa sheegay in madaxda Yurub yihiin kuwo daciif ah oo xitaa dalalkooda aanay ka xakamayn Karin dadka soogalootiga ah, waxaana uu eedahaan jeediyay isaga oo Waraysi siiyay Website-ka Polico.

Waxaa la rumaysan yahay in eedahaan ay ku dhasheen kaddib markii Dalalka Yurub ay kahor yimaadeen qorshihii uu ugu magac-daray nabadda Ukraine oo uu doonayay in dhul kamid ah Dalkaas la siiyo Ruushka balse Waddamada qaar ay diideen.

“Yurub waa kuwo daciif ah oo aan xakamayn Karin soogalootiga, Siyaasadaha Yurub ee Muhaajiriinta waa musiibo, waxa ay ka dhigaysaa meel quruntay, haddii ay kusii socdaan arrintaan aragtidayda ma ahaan doonnaan kuwa sii jiri doonna” Ayuu yiri, MW Maraykanka Donald Trump.

Waxaa jawaab kulul siiyay mas’uuliyiin katirsan Midowga Yurub, waxaa ka xusi karnaa Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz waxa uu si gaar ugu sheegay Donald Trump in aanay Yurub uga baahnayn garab istaag iskuna filan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa dhankiisa wax aan meel laga soo qaadi Karin ku tilmaamin eedaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Yurub u jeediyay, waxaana uu awood buuxda siiyay siyaasadda cusub ee lagu xakamaynayo soogalootiga.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed