Donald Trump oo go’aansaday in uu awood ku qabsado Jasiiradda Greenland

Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa go’aansaday in uu si qasab ah ku qabsado Jasiirrada Greenland oo Washington ay kahortaagan tahay Dowladda Dermark, waxaa socda abaabulka fulinta howlgalkaas.

Stephen Miller oo ah la-taliyaha sare ee Madaxweyne Donald Trump oo la hadlay Warbaahinta CNN ayaa si cad u sheegay in Maamulka Madaxweynaha Maraykanka uu gaaray go’aanka lagu qabsanayo Jasiiradda Greenland.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay diidmada Denmark iyo sheegashada dhuleed ee Jasiiradda Greenland, waxa uu xusay in aanay Dowladdaas xaq u lahayn milkiyadda Jasiiraddaan oo Maraykanka uu doonayo in uu gacanta ku dhigo.

“Denmark ma sheegan karto sharci ahaan Jasiiradda Greenland, xaq uma lahan arrintaan, Awoodda ugu wayn ee Isbahaysiga NATO waa Maraykanka, ma jiro dal qaadi kara tallaab uu dagaal Militari kula galo dhankeenna” Ayuu yiri, Stephen Miller oo La taliye u ah Trump.

Dalal badan ayaa aaminsan in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu go’aansaday awood wax ku maquunin si danaha gaarka ah uu ka leeyahay Dalalka kala duwan ee Caalamka uu u fulisto kana hortago caqabadaha Mustaqbalka ku imaan kara sida hadalka loo dhigay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed