Dhalinyaro lagu dhex dilay Masaajid ku yaal magaalada Wardheer

Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaalada Wardheer lix dhalinyaro ah oo  Xer ka ahayd Masaajidkaas.

Sida Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa lagu dhex dilay Masaajid ay wax ka baranayeen, iyadoo dilkaasna ay gaysteen Rag hubaysan oo haybtooda aan la aqoonsan, Rasaas ayaana loo adeegsaday dilka dhalinyartan.

Dhalinyarta lagu dhex dilay masaajidka ayaa shan kamid ah ay ahaayeen hal Qoys, halka wiilka lixaadna uu ahaa Qoys kale sida ay sheegeen dad xogagaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Wardheer.

Inkastoo aan wali war rasmi ah laga hayn sababta keentay in dhalinyartan loo laayo, haddana wararka laga helayo magaalada Wardheer ayaa sheegay in dhalinyartan lagu dilay gudaha masaajid ku yaal magaalada Wardheer loo dilay Aano Qabiil oo waayadanba ka taagnayd magaalada Wardheer.

Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa imbadan isku dayday inay xal rasmi ah ka gaadho colaaddan oo ay hakiso dhiigga daadanaya, balse ilaa iyo haatan kumaysan guulaysan walina dhiiggii wuu daadanayaa iyadoo ay ugu dambaysay dhacdadan lagu dilay wiilasha 6da ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed