DFS oo sheegtay in soo badbaadiyay 30 ruux oo AS gacanta ku hayeen.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa faahfaahin looga bixiyay howlgallo ay ciidanka xoogga dalka saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen deegaanka Buula Madiina oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay ciidanka Kumaandooska gaarka ah ee Xoogga dalka, iyadoo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS oo maxaabiis ahan u heystay dad rayid ah.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in la soo daayay ugu yaraan 30 ruux oo AS ku hayeen xabsi sharci darro ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Difaaca ayaa xustay in howlgalka lagu dilay saddex xubnood oo ka tirsan AS, isla markaasna hayay dadkaan rayidka ah.

Hore Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay baabi’isay Maxkamadaha AS ay ku leeyihiin gobollada dariska la ah magaalada Muqdisho, kuwaasi oo looga yeero dadka rayidka ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed