DFS oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ISL ku tagey Hargeysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay booqashada uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo ay ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in ficilkaas uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana looga gol-leeyahay in lagu kala gooyo dhulka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay in magaalada Hargeysa ay tahay qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.

“Tallaabadan waxay ka dhigan tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, waxayna khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in cid kasta oo dooneysa in ay timaado gudaha dalka ay u baahan tahay ogolaanshiyaheeda, wixii intaasi ka baxsanna ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, bayaanka ayaa loogu baaqay hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka inay difaacaan madaxbannaanida Soomaaliya, ayna cambaareeyaan falalkan xadgudubka ku ah shuruucda caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ku dadaaleyso xuquuqdeeda ah inay qaaddo tallaabo kasta oo dublamaasiyadeed iyo mid sharci si ay u dhowrto midnimadeeda qaran iyo dhulkeeda.

Booqashadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xiriirka dublamaasiyadeed iyo xasilloonida siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed