Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in laba dhinac kaliya loo ogol yahay inay haystaan hubka oo uu ku qeexay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxda Al-shabaab oo aan cid sedexaad loo ogoleyn inay hubka haysato.
Wasiirka ayaa hadalkaan sheegay mar ay warbaahinta wax ka weydiisay hadal uu jeediyay Xildhibaan Jacfar oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo ka qeyb galaayay shir ay beeshiisu ku lahayd magaalada Muqdisho oo uu ugu baaqayay inay hubkoodi qaataan.
“Sidiisaba hubka waxaa loo ogolyahay laba, dowladda oo ku badbaadinaysa dadkeedi, shabaabka oo raba inay ku laayaan dadka, dadka sedexaad ee usoo bac bac dhigta gacanta ciidanka ayaa lagu qabanayaa” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Hadalkiisa oo si weyn u qabsaday baraha Bulshada ayaa si weyn loogu falanqeeyay waxaana laga bixiyay aragtiyo kala duwan, dadka su’aasha ka keenay arintaasi waxaa kamid ah Xildhibaanad Faaiza Maxamed Jeyte oo barteedi facebook kusoo qortay “Waa maxay waxa shabaab hubka loogu ogol yahay dadka shabaabku radsanaayo oo uu rabo in uu dilana loogu diidan yahay, in ay hub qaataan si ay isu difaacaan , ma shabaabka lala shaqeystaa oo Labo shabab shaqaa ka dhaxeyso!”
Intaasi kadib wasiirka oo dib ay u wareysatay warbaahinta ayaa ku tilmaamay hadalkii hore ee ahaa in Shabaab loo ogolyahay inay hubka qaataan ku tilmaamay mid khalad ama si qadaf ah uga dhacay, waxaana uu shaaca ka qaaday in cid aan ahayn Ciidamada Dowladda aysan hub ku dhex wadan karin Magaalada Muqdisho.
“Ula jeedkeeygu ma ahayn in Al shabaab hubka loo ogol yahay balse waxa ay ahayd inaan sheego inay cid labaad oo hub qaadata ay u hiilineyso Shabaab, qabiil xitaa ha ahaato, hadalkeygii horena waxa uu ahaa mid qadaf ah” ayuu wasiirka u sheegay saxaafadda.
Wixii ka dambeeyay isku dhacyadii ciidanka Dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaradka ku dhexmray saldhiga Degmada Warta Nabadda, Saraakiisha Ciidanka iyo mas’uuliyiinta Dowladda ayaa ku celcelinayay inaan magaalada Caasimadda aan lagu qaadan karin wax hub ah si aan loo qalqal galinin ammaanka guud ee caasimadda.

