Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si adag uga falceliyay aqoonsiga muranka dhaliyay ee Israa’iil ay siisay Somaliland, iyaga oo si isku mid ah ugu baaqay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dowladaha iyo hay’adaha falcelinta bixiyay ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa midnimada Soomaaliya ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Turkiga ayaa sheegay:
“Waxaan si buuxda u garab taagannahay Soomaaliya, mana oggolaanayno wax tallaabo ah oo dhaawaceysa midnimadeeda.”
Shiinaha ayaa dhankiisa yiri:
“Mar walba garab waxaan garab taagannahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana si cad u diidanahay kala go’ ama faragelin ka dhan ah midnimada dalka.”
Masar ayaa sheegtay:
“Masar waxay taageereysaa midnimada Soomaaliya, waxayna ka digeysaa cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka sharci-darrada ah.”
Pakistan ayaa si adag u muujisay mowqifkeeda, iyadoo tiri:
“Pakistan waxay si cad uga soo horjeeddaa aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil siisay maamulka loogu yeero Somaliland.”
Jabuuti ayaa iyaduna bayaan ku tiri:
“Jabuuti waxay mar walba taagan tahay difaaca midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”
Qadar ayaa sheegtay:
“Dowladda Qadar waxay si buuxda u taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ku tiri:
“Waxaan si cad u diidnay aqoonsi kasta oo xadgudub ku ah midnimada Soomaaliya, una aragnaa mid ka hor imanaya sharciga caalamiga ah.”
Mareykanka ayaa dhankiisa caddeeyay mowqifkiisa, isagoo yiri:
“Ma aqoonsanayno Somaliland, welina waxa loo baahan yahay daraasad dheeri ah oo ku saabsan arrintan.”
Midowga Afrika ayaa si cad u sheegay:
“Somaliland waa qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mana jirto wax sharci ah oo oggolaanaya in dalkaasi la kala jaro.”
Jaamacadda Carabta ayaa tiri:
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa dal Carbeed mideysan, mana aqbaleyno wax xadgudub ah oo ka dhan ah madax-bannaanideeda.”
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa isna yiri:
“OIC waxay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna si cad u diiddan tahay kala go’ kasta.”
IGAD ayaa bayaan ku sheegtay:
“IGAD waxay taageersan tahay midnimada Soomaaliya, waxayna ku baaqaysaa in la ixtiraamo xeerarka caalamiga ah.”
Sidoo kale, Midowga Yurub (EU) ayaa ku biiray dalalka diiddan tallaabadaas, isagoo sheegay:
“Midowga Yurub wuxuu mar kale adkeynayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ku cad Dastuurka dalka, Axdiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”
Dalalkan iyo ururradan ayaa isku raacay in la ilaaliyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana laga hortago wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

