Dad badan oo ku dhintay dhul go’ ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan 63 qof ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badan waa la la’yahay kaddib markii dhul go’ ka dhacay Koofurta dalka Hindiya.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay, in ay burbureen guryaha ku yaalla ugu yaraan afar tuulo oo ka tirsan gobolka Kerala state.

Waxaa la la’yahay in ka badan 250 ruux oo daganaa tuulooyinka dhul go’ ka dhacay.

Muuqaalo la soo duubay ayaa muujinaya shaqaalaha gurmadka oo soo badbaadiyana dad badan go’doonsan.

Sidoo kale, waxaa la arkay Gawaari badan oo ku rogmaday waddooyinka, iyada oo dadkii lahaa la la’yahay.

Dowladda Hindiya ayaa dadka deegaanka uga digeysa in ay ku dhowaadaan goobaha burburay, si looga fogaado in uu khasaaraha kordho.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed