Waxaa maanta oo khamiis ah dalka Uganda si rasmi ah uga bilaabatay codbixinta doorashada guud ee wadankaasi, iyadoo madaxweyne Yoweri Museveni doonayo in la doorto markii lixaad.
Goobaha codbixinta ayaa furmay 7 dii subaxnimo ee waqtiga Kambala, iyadoo ay codeynayaan in ka badan 21.6 milyan oo qof.
Dadka ugu badan ee codkooda dhiibanaya waa dhalnyarro, iyadoo la tilmaamo in 70 % dadka Uganda da’dooda ka yartahay 35 sano.
Dowladda ayaa gabi ahaanba xirtay Internateka si looga hortago rabshadaha laga cabsida qabo in ay sameeyaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ku ah Madaxweyne Museveni oo xukanka haya in ka badan 40 sano.
Doorashadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah kuwii ugu adkaa ee soo mara Uganda, iyadoo Madaxweyne Museveni uu wajahayo tartan adag oo uga imaanaya Xildhibaan Bobi Wine, kaas oo taageero ballaaran ka haysta dhalinyarada.
Natiijooyinka horudhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa inay soo baxaan goor dambe oo maanta ah, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka dalkaasi.

