Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan kuwa Uganda waxaa u suuragashay in ay qabsadaan Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Howlgalkaan oo loogu magac daray Duufaanta Aamusan ayay ciidamada ku dhaqaaqeen Degmadaan oo muhiim u ah isu socodka Degmooyin kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koofur Galbeed.
War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guulaysteen in ay si buuxda u qabsadaan Degmada Awdheegle iyaga oo haatan wada howlgallo baaris ah.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ kawada deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Gobolka Shabeelaha Hoose si ay dib ugu qabsadaan deegaannadii horay ay isaga soo baxeen.

