Ciidanka Israa’iil oo ugu yaraan 31 ruux ku dilay Magaalada Gaza in ka yar 24 saac

Ciidanka Israa’iil ayaa duqeymaha ay ka geysanayaan Magaalada Gaza kordhiyay saacadihii lasoo dhaafay, ugu yaraan 31 ruux oo dhamaan shacab ah una badan Carruur ku dilay Magaaladaas sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

Goobaha Dadkaan lagu beegsaday waa meelaha inta badan Hay’adaha Sheegta in ay u doodaan xuquuqda aadanaha lagula xisaabtamo ciddii weerarta ama isku dayda xitaa, Dadkaan dhintay ayaa halkaas u raadsaday in ay gabbaad ku helaan balse Israa’iil ayaa beegsatay.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegay in Dad kale oo la qaaday kuwaas oo dhaawacyo kala duwan soo gaaray aanay lahayn dawadii lagu dabiibi lahaa, waxaa adag in Goobaha Caafimaadka ay fuliyaan qaliimada Dadkaas u baahan yihiin.

Weerarrada tooska ah, duqeymaha aan kala go’a lahayn iyo go’doonka culus ee dhan weliba laga saaray Magaalada Gaza waa dhibaatooyinka laga dhaxlay cadawtooyada Yuhuudda ay kula dhaqaaqeen Dadka Rayidka ah ee Falastiin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed