Ciidanka Israa’iil oo Duqayn ay ka gaysteen Magaalada Gaza ku dilay ugu yaraan 48 ruux oo Shacab ah

Ciidamada Isaa’iil ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan Magaalada Gaza, ugu yaraan 48 qof oo dhammaantood Shacab ah una badan Haween iyo Carruur isu diyaarinayay in tallaalka Qaramada Midoobay ay u qorsheysay Magaaladaas.

Duqayntaas waxa ay dib u dhigtay tallaalka kahortagga Cudurka Dabaysha, maanta oo Axad ah ayaa la shaaciyay in la billaabayo maadaama shalay weeraradii ay fuliyeen Ciidanka Israa’iil ay sabab u noqdeen in uu baaqdo.

Qaramada Midoobay ayaa durba ka qaylo dhaamisay arrintaan, waxa ay ku baaqday in la dhowro nidaamka nabadgalyada si ay u fuliso qorshaha tallaalka cudurka Dabaysha ee maanta ka billaabanaya Magaalada Gaza.

Qaar kamid ah qoysaska ku sugan Magaalada Gaza ayaa soo jeediyay in tallaalka la siinayo ay ugu baahi badan tahay in loo raadiyo Raashin iyo biyo nadiif ah si looga hortago halista ku wajahan sida ay hadalka u dhigeen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed