Burkina Faso oo markale ka badbaaday Isku day Afgambi

Dowladda Burkina Faso ee xukunka horay ugu qabsatay Afgambiga ayaa markale ka badbaaday xukun marooqsi lala damacsanaa Madaxweyne Kabtanka Ibrahim Traore, waxaa isku daygaan lagu eedeeyay saraakiil ciidan oo kaalmo dibadda ah ka helaya Dalalka deriska ah.

War kasoo baxay Dowladda Burkina Faso ayaa lagu sheegay in la xakameeyay isku daygaan Afgambi lagana guulaystay kooxahaas, waxaa dambiyo culus lagu eedeeyay saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan oo la raadin doonno.

Hay’adaha sirdoonka iyo kuwa kale ee Amniga ayaa lagu amaanay in ay si xirfadaysan uga hortageen shirqoollada Dibadda iyo kuwa gudaha ah ee isku xiran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu afgambiyo dowladda talada hadda haysa.

Wasiirka Amniga Burkina Faso, Mahamadou Sana ayaa Teleefishinka Dalkaas ka sheegay in ay ammaan mudan yihiin ciidamada geesiyaasha ah ee kahortagay isku dayga lagu hagardaamayn rabay Dalkiisa, waxa uu digniin u diray dadka cadawga la shaqaynaya.

“Si farsamo iyo khudbad ku dheehan tahay ayay ciidamadeeda leh xirfadda wacan ee sareysa ugu hortageen hagarta lala damacsanaa Dalkeenna iyo Dadkeenaba, waan la xisaabtami doonnaa kuwa maleegaya shirqoolka” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Burkina Faso

Kabtan Ibrahim Traore ayaa xukunka la wareegay 30kii September sanadkii 2022, waxa uu xukunka ka tuuray Madaxweynihii hore ee dalkaas Roch Marc Christian Kabore, gacan adag ayuu ku qabtay Maamulka Dalkiisa isaga oo wajaha culays dibadda ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed